Guddoomiyaha Migori oo maanta qoray fariin ku saabsan gabadh dhawaan la dilay

Barasaabka ismaamulka Migori ,Okoth Obado ayaa maanta xarunta ciidamada dembi baarista ee ismaamulka Kisumu ka qoray fariin ku saabsan afduub iyo dil lala xiriiriyay oo maalmo ka hor loo geystay gabadh ka mid ahayd ardayda jaamacadda Rongo.
Sharon Otieno oo 26 sano jir ahayd ayaa meydkeeda laga helay keyn ku taallo maamul goboleedka Homa Bay.
Gabdhan oo uur lahayd ayaa inta aan la dilin ka hor lala afduubtay wariye ka howlgalo warbaahinta maxaliga ah ee Nation.
Mr. Obado ayaa lagu eedeyay inuu falkaasi ku lug lahaa hasa ahaate waxaa uu iska fogeeyay.
Maalmihii ugu dambeeyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dalka gaar ahaan haweenka siyaasiyiinta ah ayaa dalbanayay in Mr. Obado la xiro maadaama la farfiiqay.
Mr .Obado ayaa saaka xaruntaasi tagay kadib markii ay u yeereen sarakiisha dembi baarista si falka si weyn loo cambaareeyay wax looga weydiiyo.
Dhanka kale waxaa maanta magaaladatani Nairobi shir jaraaid ku qabtay wakiilada haweenka ee qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka oo si kulul u cambareeyay dilka lagula kacay Sharon Otieno iyagoo sido kale dalbaday in cadaaladda la hor keeno cid waliba oo ka dambeysay

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *