In ka badan 100 tahriibayaal ah oo ku dhintay Liibiya

Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee magaceedu loo soo gaabiyo MSF ayaa sheegtay in tahriibayaal ay tiradoodu kor u dhaafeyso 100 qof ay toddobaadkan ku dhinteen xeebaha Liibiya.
Waxay hay’adda intaasi ku dartay in dadkan oo la socday laba doomood badankoodu ay ka soo jeedaan wadamada hoos tago qaaradda Afrika sida Suudaan, Mali, Nigeria, Cameroon, Ghana, Liibiya, Algeria iyo Masar waxayna ku sii jeedeen dalal ku yaalla qaaradda Yurub.
Sido kale hay’addan oo soo xiganaysa mid ka mid ah dadkii dhibaatadasi ka badbaaday ayaa sheegtay in mid ka mid ah doomahani ay ku timid cillad dhanka korontada ah islamarkana mida kalana ay quusatay.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo muddooyiinkii ugu dambeeyay ay hoos u dhacday tirada muhaajiriinta dhanka Yurub uga tallaaba badda mediterranean-ka.
20 ka mid ah dadkan dhintay ayaa caruur ah sida ay shaaca ka qaaday MSF.
Sannadkii 2017-kii ayay ahayd markii in ka badan 3,000 la waayay iyadoo ilaa iyo hadda aan la helin raq iyo ruux labaduba.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *