Ismaamulka Kericho oo doonayo in la siiyo boqolkiba 30 dhaqaalaha ka soo xaroodo caleenta shaaha

Maamul goboleedka Kericho ayaa dowlada dhexe ka dalbanaya in lagu wareejiyo boqolkiba 30 ee dakhliga ka soo xaroodo caleenta shaaha ee degaanadaasi laga soo saaro.
Mas’uuliyiinta ismaamulkaasi ayaa ku doodaya in shacabka ku nool Turkana qeyb laga siiyay dhaqaalaha sidaalka laga helay dowlad degaankaasi sidaasi awgeedna beeraleyda Kericho ay xaq u leeyihiin in loo qoondeeyo boqolkiba 30 ee faaiidada laga helo caleenta shaaha ee ay soo saaraan.
Barasaabka Kericho ,Paul Chepkwony ayaa sheegay in ismaamulkaasi laga soo saaro caleenta shaaha ee ugu badan dalka hasa ahaate shacabka aysan weli ka faaidin.
Waxaa uu intaasi ku daray in tani iyo markii Kenya ay madax banaanida qaadatay , Kericho ay kaalin weyn ka qaadanaysay dhaqaalaha dalka.
Waaxda qaabilsan aruurinta iyo keyndinta macluumaadka ayaa sheegtay inb boqolkiba 46 ee caleenta shaaha laga soo saaro maamul goboleedyada kala ah Kericho, Bomet iyo Nandi .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *