Kulan amniga ku saabsan oo lagu qabanayo Mombasa

Waxaa maanta degaanka Kisauni ee ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta lagu qabanaya kulan ay ka qeyb galayaan sarakiil badan oo dowlada u qaabilsan dhanka sugidda amniga.
Shirkan isaga ah ayaa looga arrinsanaya sida lagu xoojin karo amniga degaankaasi iyo guud ahaan maamul goboleedka Mombasa.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan hay’adda u ololeysa xuquuqul aadanaha ee Haki Afrika ay soo saartay warbixin ay ku sheegtay in tan iyo biloowgii sannadkan ay diiwangelisay ugu yaraan 34 kiis oo ah dilal sharci darro ah oo la fuliyay.
Ciidamada amaanka ayay ku eedeyeen inay geysteen toogasho iyo dilal aanan habboonayn.
Hasa ahaate guddoomiyaha dowlada dhexe ku matalo Mombasa Mr. Evansi Achoki ayaa sheegay in kulanka maanta dhacaya ay uga gol leeyihiin in dadweynaha loogu abuuro wacyigelin dhanka xasiloonida ah iyo sida ay sarakiisha ula shaqeyn karaan

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *