Maraykanka oo u hanjabay garasoorayaasha maxkamada ICC-da

Dowlada Maraykanka ayaa wacad ku martay inay xayiraad ku soo rogi doonto garsoorayaasha ka howlgalo maxkamada caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da hadii xaakinada ay sii wadaan baaritaanada ay ku hayaan falal dembiyeedyo Maraykanka lagu eedeyay inuu ka geystay gudaha Afghanistan.
John Bolton, oo ah la taliyaha madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee dhanka amaanka ayaa hadalkan ka jeediyay magaalada Washington, DC.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay inuu dirayo fariin cad oo ka socoto hoggaamiyaha dalkaasi.
Sido kale Mr. Bolton ayaa carrabka ku dhuftay in Maraykanka uu sameynayo wax waliba oo karaankiisa ah oo uu ku badbaadinayo muwaadiniintiisa iyo xulafadiisa .
Baaritaanada ay maxkamada ICC-da waddo ayuu ku tilmaamay kuwo sharci darro ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *