Kaaliyaha guddoomiyaha Migori oo 14 maalmood xabsiga ku sii jiraya

Maxkamada sare ee dalka ayaa ciidamada booliska u ogolaatay inay muddo 14 maalmood oo dheeraad ah  xabsiga ku sii hayaan  kaaliyaha  barasaabka ismaamulka Migori ,Mr Michael Oyamo oo ka mid ah eedeysanayaasha lala xiriiriyay dilkii loo geystay Sharon Otieno.

Gabadhan oo ahayd 26 sano jir ayaa dhiganaysay  jaamacadda Rongo  waxaana  la dilay kadib markii la afduubtay.

Garsoore  Luka  Kimaru ayaa amar ku bixiyay in  Mr Oyamo, la geeyo  saldhiga booliska ee   xaafadda   Muthaiga.

Mr Oyamo ayaa  saaka ka soo hormuuqday maxkamada Milimani ee magaaladatani Nairobi   halkaasi oo lagu soo oogay dacwad ku saabsan dil la fuliyay.

Waxyaabaha lagu eedeynayo waxaa ka mid ah in 3-dii iyo 4-tii bishan  sagalaad isaga  iyo  shakhsiyaad kale ay dileen Ms Otieno  oo ay  kaga takhaluseen goobta loo yaaano  Owande  oo ka tirsan  degaanka  Rachuonyo ee maamul goboleedka   Homa Bay .

Booliska ayaa sheegay inuu ka mid ahaa dadkii  xiliyadii ugu dambeeyay   wehelinayay Ms Otieno oo markii dambe meydkeeda  laga helay keynta Kodera  ee degmada  Oyugis.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *