Maamul goboleedyada oo lagu booriyay inay wax ka qabtaan nafaqa darrada

Wasiirka wasaaradda   beeraha ee dalka Mr. Mwangi Kiunjuri   ayaa dowlad  goboleedyada dalka iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay  u soo jeediyay inay iska kaashadaan  sidii  loola tacaali lahaa  nafaqa darrada.

Hadalkan ayuu wasiirku  jeediyay  kadib markii uu furay  shir saddex maalmood soconaya   oo  ku saabsan sida wax soo saarka beeraha  uu xal ugu noqon karo  dhacdooyinka  ku saleysan  nafaqa darrada ee   laga soo tabiyo degaanada qaar.

Wasiirka aya sheegay in  nafaqa darrada ay tahay caqabada ugu waweyn ee dowlada  ka haysato dhanka la tacaalidda cuno yarida oo ka mid ah qorshayaasha ugu horeeya ee maamulka talada haya ee jubilee uu ballanqaaday inuu xoogga saarayo.

Agaasime ku xigeenka hay’adda USAID  ee dalka  Heather Schildge ayaa sheegtay in Maraykanka uu sii wadayo inuu dowlada Kenya ku tageero dhaqaale  loo adeegsan karo soo saaridda cunnada  iyo  wax ka qabashada nafaqa darrada.

Hay’adda  USAID,  ayaa sheegtay in  ugu yaraan   boqolkiba 50 ee   caruurta dunida  ay u dhintaan  dhibaatooyin ka soo gaaro  nafaqa darro   la soo daristo.

Macluumaadka hay’addan waxaa qeyb ka ah in  hal meel  saddex meelood  caruurta  ay nafaqa darro haysato guud ahaan caalamka ay ku noolyihiin qaaradda Afrika.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *