Saddex muwaadiniin ah oo dacwad ka gudbiyay ERC

Waxaa maxkamada dacwad u gidbiyay saddex ka mid ah muwaadiniinta Kenyaanka ah oo doonaya in guddiga maareeya tamarta ee ERC iyo wasaaradda maaliyadda lagula xisaabtamo amar maxkamadeed oo ay dafireen.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii maxkamad ku taalo ismaamulka Bungoma ay sheegtay inaan la dhaqangelin karin qiimaha canshuurta laga qaado shidaalka ee boqolkiba 16 lagu kordhiyay.
Hasa ahaate dowlada ayaa u muuqata inaysan weli amarkaasi u hoggaansamin.
Kenyaanka kiiska geeyay maxkamada ayaa lagu kala magacaabaa Titus Alila, Jackline Otieno iyo Francis Ogada, waxaana matalaya qareenkooda Ken Amondi.
Shalay ayay dacwad ka dhan ah dowlada u gudbiyeen maxkamada sare ee dalka laanteeda ismaamulka Kisumu.
Waxay ku doodayaan in codsiga ay geeyeen uu yahay mid ku saabsan arrintan taagan oo loo baahanyahay in si degdeg ah go’aan looga soo saaro.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *