11 qof oo uu baabuur ku jiiray Shiinaha

Wararka naga soo gaaraya dalka Shiinaha ayaa sheegaya in 11 qof ay dhinteen halka 44 kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen kadib markii baabuur la jiirsiiyay.
Gaari si xowli ah loo kaxeynayay ayaa gudaha u galay goob ay dad badan isugu yimadeen oo ku taallo koonfurta Shiinaha.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in darawalkii baabuurka waday uu sido kale mindi iyo baangad ku weeraray dad halkaasi ku sugnaa.
Dowlada wadankaasi ayaa falka uu ninkaasi ku kacay ku tilmaantay mid aargoosi ah maadaama horay loogu soo oogay dacwado ku aaddan falal dembiyeedyo uu geystay.
Dowlada Shiinaha aya horay u sheegtay in saddex qof ay dhinteen hasa ahaate tiradaasi ayaa sara u sii kacday.
Booliska ayaa sheegaya in dhacdadaasi aanan lagu tilmaami karin fal argagixiso.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *