Kofi Annan oo maanta aas qaran loogu sameynayo Ghana

Waxaa maanta magaalada Accra ee dalka Ghana aas qaran loogu sameynaya xoghayihii hore ee qaramada midoobay Kofi Annan.
Mas’uulkan hore oo lagu amaano inuu kaalin muhiim ah ka qaatay ka shaqeynta nabadda iyo dibloomaasiyadda ayaa bishii hore ku geeriyooday isbitaal ku yaallo Switzerland isagoo 80 sano jir ah.
Waxaa uu sido kale kala dhexdhexaadiyay madaxweynihii hore ee dalka Mwai Kibaki iyo Raila Odinga kadib natiijadii doorashadiii guud ee sannadkii 2007-dii ee lagu murmay taasi oo ay ka dhasheen rabshado wadanka saameyn ku yeeshay.
Hoggaamiyaasha aaska Kofi Annan ka qeyb galaya waxaa ka mid ah kuwo ka socdo midowga Afrika , qaramada midoobay sida xoghayaha guud António Guterres, madaxa mucaaradka Nasa, Raila Odinga, gudoomiyaha aqalka sare ee Kenya , Ken Lusaka iyo wakiilka haweenka ee ismaamulka Murang’a ,Sabina Chege .
Toddobaadyadii ugu dambeeyay waxaaa wadanka Ghana ka socday diyaar garoowga aaska Annaan oo ka mid aha dibloomaasiyiintii ka soo jeedday Afrika ee caalamka si weyn looga qadarin jiray.
Ciidamada Milatariga ee Ghana ayaa aaska Kofi Annan ku maamuusi doono salaan sharaf iyo 17 rasaas ah oo ay ridayaan.
Kofi Annan ayaa ahaa mas’uulkii ugu horeeyay ee Afrikaan ah ee qabta xilka xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa intii u dhexeysay 1997 – dii ila iyo 2006-dii.
Kofi Annaan ayaa ku guulaystay abaalmarinta nabadda ee Nobel sannadkii 2001-dii.
18-kii bishii sideedaad ee sannadkan ayuu ku geeriyooday dalka Switzerland kadib muddo yar oo uu xanuunsanayay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *