Ganaax la saarayo darawaliinta aanan u hoggansamin shuruucda wadooyinka oo bilaabayana bil ka dib

Dowlada gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha ayaa shaaca ka qaaday in 30 maalmood gudahood uu dhaqangalayo go’aan maxkamadeed oo ku aaddan isticmaalka wadooyinka.
Maxkamada sare ee dalka ayaa ciidamada booliska u ogolaatay inay si degdeg ah ganaax u saaraan wadayaasha baabuurta ee aanan u hoggaansamin shuruucda wadooyinka.
Hasa a ahaate waxaa la ganaaxaya oo keliya marka ay geystaan dembiyada fudfudud.
Garsoore John Mativo ayaa sheegay in tallabadan ay tahay lagama maarmaan si loola tacaalo falalka musuqmaasuqa ee lagu eedeyo sarakiisha waaxda wadooyinka ee loo yaqaano Taraafikada.
Sido kale waxaa la yareynayaa baabuurta sida xowliga ah loo kaxeeyo iyo kala dambeyn la’aanta ka jirta wadooyinka dalka.
Garsooraha ayaa intaasi ku daray in danta guud ay ku jirto badqabkooda oo la xaqiijiyo.
Dr. Fred Matiangi, wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in amarkan lagu tallaba qaadayo hal bil kadib.
Waxaa dhanka kale maxkamada dacwad ay uga soo horjeedaan go’aankan geeyay ururka ay ku midoobeen shaqalaha shirkadaha kala duwan.
Waxay ku doodayaan in ganaax la saaro qof eedeysane ah ay tahay shaqada maxkamadaha.
Dr Matiang’i ayaa intaasi ku daray in tallabadan ay tahay mid lagu doonayo in lagu fududeeyo geedi socodka maxkamadeed maadama xarumahaasi la geeyo darawaliin geystay dembiyo fudfudud.
Sido kale waxaa looga gol leeyahay in lagu yareeyo tirada dadka la soo xiray ee ku jira xabsiyada kala duwan.
Wasiirka ayaa sheegay inaysan caqli gal ahayn in xabsiyada ay ku jiraan 6000 ilaa iyo 7000 oo qof oo loo haysto dembiyo la xiriira isticmaalka wadooyinka oo ah kuwo fudud.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *