Ismaamulada xoola dhaqatada oo raadinaya suuq caalami ah

Ururka ay ku bahoobeen ismaamulada lagu tilmaamo oomanaha oo inta badan ay abaaruhu saameyaan ee magaciisu loo soo gaabiyo FCDC ayaa shaaca ka qaaday inuu diiradda saarayo sidii loo heli lahaa suuq caalami ah oo lagu iibiyo xoolaha.
Shir maamul goboleedyada ka tirsan ururkan ay ku yeelanayaan magaalada Kapenguria ee dowlad goboleedka galbeedka Pokot ayaa arrintan laga sheegay.
Waxyaabaha kale ee shirkaasi ka soo baxay waxaa ka mid ah in si weyn la isaga kaashado la tacaalidda cudurrada xoolaha saameeya.
Gudoomiyaasha maamul goboleedyada FCDC ayaa sheegay in degaanadooda laga soo saaro boqolkiba 90 ee hilibka xoolaha ee laga isticmaalo dalka.
Barasaabka galbeedka Pokot Prof. John Lonyangapuo ayaa sheegay in caqabada ugu weyn ee xoola dhaqatada haysata ay tahay xal u helidda xanuunada xoolaha ku dhaco iyo suuq geyn caalami ah.
Dallada FCDC ayaa waxaa xubno ka ah ismaamulka Isiolo, Tana River, Garissa, Wajeer, Turkana, Mandhera, galbeedka Pokot ,Samburu, Lamu, Baringo iyo Marsabit.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *