Qaramada midoobay oo sheegtay in 55 qof ay daacuun ugu dhinteen Niger

Xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan isku duwidda howlaha bani’aadanimo ee magaciisu loo soo gaabiyo OCHA ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tan iyo bishii toddobaad ee sannadkan 55 qof ay wadanka Niger ugu dhinteen cudurka daacuunka.
Kiisaskan dhimasho ayaa la diiwangeliyay intii u dhexeysay 5-tii bishii July ilaa iyo 10-kii bishan sagalaad ee aan ku guda jirno.
Waxaa bayaanka qeyb ka ah in guud ahaan wadankaasi laga soo tabiyay kiisas dhan 2,752 .
OCHA ayaa sheegtay in saameynta ugu weyn ay soo gaartay shacabka ku nool gobolka Maradi oo laga soo tabiyay boqolkiba 98 ee kiisaska cudurka daacuunka.
Cudurkan ayaa ku sii fiday gobolada kale ee Dosso, Tahoua iyo Zinder.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *