3 qof oo ku dhimatay dagaalo beeledyada ka jira ismaamulka Nakuru.

3 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhimatay dagaalo beeledyada ka jirta deegaan baarlamaaneedka Njoro ee ismamulka Nakuru.
6 qof ayaa sido kale uu dhaawac ka soo gaaray dagaaladaasi waxaana lagu dabiibayaa isbitaalka heerka shanaad ee ismaamulka Nakuru.
Beeladyadan ka dhaxaysaa colaada ayaa isku adeegsanayaa hubab kala duwan oo ay ka mid yihiin falaaro iyo baangado.
Tani ayaa imaanaysa dhowr isbuuc ka dib markii dadka ku nool keynta Mau Forest la siiyay digniino.
Ciidamada booliska ayaa ku sugan goobaha ay isku ahayaan qabaa’iladaasi iyagoona isku dayayaa in ay dajiyaan xaalada.
Dhanka kale ciidamada booliska ayaa hal qof ku toogtay Mau Forest
Isku duwaha amaanka ee ismaamulka nakuru Mongo Chimwaga ayaa sheegay in qofkaasi la toogtay uu isku dayay inuu soo weeraro ciidamada booliska.
Sido kale waxa xabsiga loo taxaabay ku xigeenka afhayeenka aqalka baarlamaanka ee Nakuru Samuel Tonui taasi ayaa daba socota xaaladaha dagaal ee ka tagaan deegaan baarlamaaneedka Njoro ee ismamulka Nakuru.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *