Afar arday ah oo ku dhimatay wabiga Athi River ee ismaamulka Machakos

Afar arday ah oo wax ka baranayay dugsiga sare Syokisinga ee ismaamulka Machakos ayaa ku dhintay wabiga Athi River xili ay halkaasi u tageen cashar ka dhan ah juqraafika.
Mid ka mid ah afartaasi arday ayaa meydkiisa la helay waxaana wali la raadinayaa 3 kale oo ku maqan wabiga.
Ardaydaasi ayaa kala ahaa 3 wil iyo hal gabar ah oo dhamaantooda wax ka baranayay dugsiga sare Syokisinga ee ismamaulka Machakos.
Xoghayaha fulinta ee KUPPET, isamamul goboleedka Machakos Mr Musembi Katuku ayaa fariin tacsi ah u diray qooyskii ay ka baxeen ardaydaasi.
Sido kale waxa uu dhacdadani ku tilmaamay in ay tahay nasiib daro.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *