Ciidamo dheeraad ah oo la geeyay dhismaha Taj Mall

Ciidamo booliis oo dheeraad ah ayaa la geeyay xarunta weyn ee ganacsiga Taj Mall si ay u sugaan amaanka halkaasi intii maanta dhismahaasi lagu waday burburin.
Dhismaha Taj Mall ayaa saaka aroorti lagu bilaabay in dhulka lala simo ka dib markii ay xukumada dalka shaacisay in la ogoleyn dhismooyiinka ku yaala goobo aan munaasabka ahayn.
Dadkii ganacsiga ku haystay xaruntaasi ayaa horey dowlada fursad u siisay si ay halkaasi ugala baxaan hantidooda inta aan la burburin.
Dhismahaasi dhulka lala simay ayaa waxaa leh Govino Gorasia,Waxaana lagu qiyaasay qiimaha dhismahan 5.5 Bilyan oo shillinka dalka ah.
Dhawaan ayay ahayd markii dhismeyaal sidaasi oo kale la dumiyay kuwaasi oo ku yaalay goobo aanan munaasab ahayn .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *