Dad ajaaniib ah oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyaatta ee magaaladatan Nairobi

71 qof oo ajaanib ah kana soo jeeda wadamo kala duwan ayaa saaka lagu qabtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyaatta magaala madaxda dalka ee Nairobi.
Mwaadiniintani lagu xiray garoonkaasi ayaa lagu helay paasbooro sharci daro ah waxa ayna u kala dhasheen wadamada Brundi,Tanzania iyo Wadanka Uganda.
Agaasimaha Adeegga Socdaalka ee dalka Alexander Muteshi ayaa warbaahinta u sheegay in dadkaasi la xiray ka dib markii ay ciidamada booliska ogaadeen in ay wateen dokumeentiyo been abuur ah.
Mr Muteshi wuxuu sheegay in laamaha amaanka ay raadinayaan dadkii ka dambeeyay in 71 qof ay wadanka ku soo galaan Viiso been abuur ah.
Soogalootiga gacanta lagu dhigay ayaa badankooda ka soo jeeday dalka Uganda taasina ayaa imaanaysaa markii xukumada Uganda ay mamnuucday in muwaadiniinteeda ay shaqo u tagaan wadamada Bariga dhexe iyagoo ka cabsi qaba xadgudub ka dhan ah biniaadanimada.
Maalmihii la soo dhaafay laamaha amaanka ee dalka ayaa xoojiyay hawlgaladooda ka dhanka ah dadka sida sharci darada ah wadanka ku soo galayaa ama ugu shaqeystaa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *