Hoggamiyaha Mucaaradka Dalka Rwanda oo xabsiga laga siidaayay

Haweeneyda hoggamisa mucaradka dalka Rwanda Victoire Ingabire ayaa si lama filaan ah looga sii daayay xabsiga manta ka dib markii uu madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame uu u fasaxay in la soo hormariyo wakhtigeedi laga fasixi laha xabsiga iyada iyo laba kun oo kale oo maxaabiis ah.
Ingarire ayaa markii ay ka sii baxaysay xabsiga Mageragere ee caasimada Kigali sheegtay inay madaxweynaha u mahadcelineyso.
Sii daynta 2,140 maxabuus ah oo ay ka mid yihiin Ingabire iyo fanaan lagu magacaabo Kizito Mihigo, ayaa timid ka dib markii ay kulan qaateen wasiirada oo ay isku raaceen cafiska madaxweynaha.
Ingabire ayaa sanadkii 2010-kii ka soo laabatay dalka Netherlands si ay ooga qayb gasho doorashada xilka madaxtinimada iyada oo matalaysa xisbiga FDU.
Hasa ahaatee Hay`adda xuquuqda aadanaha ee human wright watch ayaa dowladda ruwanda ugu baaqday inayixtiraamto xuquuqda mucaradka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *