Iphone cusub oo aad uga weyn dumarka inay gacmaha ku qabtaan.

Shirka Apple ayaa lagu dhaleeceeyay iPhone cusub oo ay soo saartay oo aad uga weyn gacmaha dumarka kasoo hadii ay gacanta ku qabtaan sameeyn caafimaad oo dhanka gacmaha ah u keenayo.
iPhone-kan ayay shirkadu soo saartay kadib markii ay ku dhawaaqaday inay joojin doonto nooca iphone-ka ugu yar ee SE.
Ololayaasha ayaa sheegeen inay iska caadi tahay balse saameyn caafimaad oo dhanka maskaxda dumarka aysan keeneynin.
Iphone-ka cusub ayaa cabirka shashadiisa lagu sheegay 5.8 ilaa 6.5 kasoo aad ugu weyn iphone-kii hore oo cabirka shaashadiisu ahaa 4 inchis.
Kadib markii xariga laga jaray iphone-kan cusub shirkada Apple ayaa dhamaan iphone-nadii hore ka bixisay shabakadeeda oo uu kujiro iphone SE.
Lamina ogo in shirkada ay soo saari doonto mid yar oo lagu badalo SE.
Khuburada caafimaadka ayaa walaac ka muujiyay iphone-kan cusub iyagoona sheegay hadii la soo saaro mid kan ka weyn uu dhibaata u keeni doono dumarka sababtoo ah gacmaha dumarka aad ayay uga yaryihiin gacmaha raga qiyaasta loogu talagalay.

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *