Laba carruur ah oo ku gubtay guri ku yaala Bariga Kuria ee isamamulka Migori

Laba carruur ah ayaa lagu soo waramayaa in ay dhinteen ka dib markii uu ku gubtay gurikii ay noolayeen kaasi oo ku yaala tuulada lo yaqaano bariga Kuria ee ismaamul goboleedka Migori.
Taliyaha ciidamada Booliska ee Kuria Cabdi Qadir oo xaqiijiyay dhacdadan ayaa sheegay in labada carruur ee ku dhimatay dhacdadaasi ay da’doodu u dhaxayso 2 sano ila iyo 4 sano jir.
Xiligii uu dabka gurika qabsanaye ayaa la sheegay in hooyada gurika ay ka maqneyd lamana oga sababti dhalisay dabkaasi.
Meydadka labadaasi canug ayaa la geeyay halka meydadka lagu keydiyo ee isbitaalka heerka 5 ee ismaamulka Migori.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *