Michael Keating oo sheegay in awooda sharciga Soomaaliya uu yahay mid liita

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating oo xilka uu kasii dhammaanayo ayaa sheegay in awooda Sharciga Soomaaliya uu yahay mid aad u liita taasina ay sababto in uu dhaco Musuq Maasuq badan.
Waxaa uu ka dayriyay hanaanka Caddaaladda Soomaaliya oo uu sheegay in sanadihii lasoo dhaafay uu gaaray heerkii ugu horeyseeyay taasina ayay sababta in ay dadka Fursado dhanka Cadaalladda ah ay ka raadiyaan meelo kale
Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo lagu dagaallamaayo Musuq Maasuqa dalka ragaadiyay, waxaana jiro xubno dowladda ka tirsanaa oo xabsiga la dhigay.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale dhankiisa qiray kal hore in Caddaaladda ka jira Maxkamaddaha dowladda, laakiin waxaa uu isbedel ku sameeyay Madaxda Maxkamaddaha dalka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *