Boqorka Sacuudi carabiya iyo xoghayaha qaramada midoobay oo ka wada hadlay nabadda

Boqorka Sacuudi carabiya Salman bin Cabdul Caziz ayaa maanta la kulmay xoghayaha guud ee qaramada midoobay Mr. Antonio Guterres.
Wakaalada wararka ee Sacuudiga ee SPA ayaa ku waremeysa in boqorka uu mas’uulka ugu sareeya ee jimciyadda qurumaha ka dhexeya ku marti qaaday xafiiskiisa gaar ahaan magaalada Jeddah.
Labadan masu’uul ayaa ka wada hadlay waxyaabaha hadda caalamka ka taagan iyo dadaalada loogu jiro in dunida lagu soo dabaalo xasilooni buuxda.
Shalay ayay ahayd markii ra’iisul wasaaraha itoobiya Dr. Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ay gaareen Sacuudi carabiya halkaasi oo ay ku saxiixdaan heshiis nabadeed waxayna wararku intaasi ku darayaan in Mr. Guterres la casuumay si uu isfahankaasi goob joog uga noqdo.
Dhanka kale ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Yemen Martin Griffiths ayaa maanta gaaray caasimadda wadankaasi ee Sancaa.
Waxaa uu halkaasi kulan kula yeelanayaa mas’uuliyiinta kooxda Xuutiyiinta.
Safarka mas’uulkan ayaa imaanaya kadib markii toddobaadkii hore aanan lagu guuleysan dhexdhexaadin uu doonayay in loo sameeyo Xuutiyiinta iyo dowlada Yemen ee ay dagaalka kula jiraan

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *