Dad shacab ah oo lagu dilay weeraro ka dhacay dalka Burkina Faso

Ugu yaraan 9 qof oo shacab ah ayaa lagu dilay weeraro mataana ah oo ka dhacay koonfurta bari ee wadanka Burkina Faso.
Khasaaraha ka dhashay falalkaasi ayaa waxaa xaqiijiyay sarakiisha amaanka ee gobolka Kompienga oo bilooyinkii ugu dambeeyay ay ku sii xoogeysanayeen kooxo hubeysan.
Guddoomiyaha gobolkaasi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in laba weerar oo lagu tilmaamay kuwo argagixiso laga geystay tuulooyinka kala ah Diabiga iyo Kompienbiga.
Mid ka mid ah weerarada ayaa lala eegtay guriga imaamka masjidka waxaana halkaasi lagu dilay imaamka iyo 4 qof halka mid kalena uu markii dambe u dhintay dhaawac soo gaaray.
Weerarka labaad waxaa lagu dilay saddex qof oo hal qoys ka tirsan oo degenaa meel aan ka fogeyn tuulada weerarka lagu qaaday.
Bishii saddexaad ee sannadkan ayay ahayd markii ugu yaraan 16 qof lagu dilay weerar lala eegtay safaaradda Faransiiska iyo xarunta ugu weyn ee ciidamada militariga ee magaala madaxda Burkina Faso ee Ouagadougou.
Sannadkii hore ee 2017-kii, koox la sheegay inay gacan saar la leedahay Al-Qaacidda ayaa weerartay maqaaxi ku taallo isla caasimadda waxayna dileen 19 qof.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *