DHAGEYSO Qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka oo ka hadlay qiimaha shidaalka ee la dhimay

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga talada haya ee jubilee ayaa sheegay inay jiraan siyaabo badan oo wadanka uu canshuur ku heli karo.
Mas’uuliyiintan oo ay ka mid tahay wakiilka haweeenka ee ismaamulka Murang’a Sabina Wanjiru Chege ayaa sheegay in loo baahanyahay in canshuur dheeraad ah laga qaado badeecooyinka dalka la soo geliyo
Sido kale xoghayaha guud ee ururka qaran ee kalkaaliyayaasha dalka Mr.Seth Panyako ayaa soo jeediyay in tirada ismaamulada dalka laga dhigo ugu badnaan 9 ama la yareeyo degaan baarlamaneedyada

madaxa urur weynaha mucaraadka Nasa , Raila Odinga ayaa madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ku tageeray amarka uu soo saaray ee ah in qiimaha lagu kordhiyay canshuurta shidaalka laga dhigo boqolkiba 8 halka horay uu ahaa 16.
Mr. Odinga iyo hoggaamiyaha xisbiga Wiper ,Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka looga fadhiyo inay la wareegaan arrinka ku saabsan shidaalka oo ay sharci meel mara ka soo saaraan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *