Doorashada guud ee Suuriya oo maanta bilaabatay

Wakaalada wararka ee dalka Suuriya ee SANA ayaa ku warameysa in wadankaasi ay maanta ka bilaabatay doorashada guud.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in codeynta ay ka socoto oo keliya degaanada ay maamusho dowlada uu hoggaamiyo madaxweyne Bashar Al-Assad.
Waa doorashadii ugu horeeysay ee Suuriya ka dhaceysa tan iyo sannadii 2011-kii.
Goobaha codbixinta ayaa furmay 7-dii subaxnimo ee saaka waxayna furnanayaan muddo 12 saacadood ah.
Wakaaladda SANA ayaa sido kale ku warameysa in ugu yaraan 40,000 oo musharaxiin ah ay u loolamayaan xilal kala duwan.
Kuraasta loo tartamaya guud ahaan gobolada Suuriya ayaa gaaraya 18,478 .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *