Duqa London oo ku baaqay in afti loo qaadi ka bixitaanka Ingiriiska ee midowga Yurub

Sadiq Khan oo ah duqa magaalada London ee ingiriiska ayaa ku baaqay in la qabto afti cusub oo ku aaddan qorshaha wadankaasi uu doonayo inuu uga baxo midowga Yurub.
Waxaa uu ka dhigay in hadii ingiriiska uu tallabadaasi ku dhaqaaqo ay ka dhalan karto saameyn dhaqaale iyo sido kale fursado shaqo oo lagu lumiyo.
Qoraal uu soo saaray wargeyska lagu magacaabo” the Observer” ayuu Mr. Khan dowlada ingiriiska ku eedeyay si ay u wajahayso wada hadalada ku saabsan ka bixidda EU-da.
Xukuumada Theresa May ayuu ku eedeyay inay marar badan u muuqatay mid aanan arrinkaasi u diyaar garoobin.
Barasaabkii hore ee London Boris Johnson ayuu dhanka kale ku dhaliilay inuu xoogga saaray ka shaqeynta arrimihiisa siyaasadeed.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *