In ka badan 25 qof oo ku dhimatay duufaan xooggan oo ku dhufatay Filibiin

Duufaan xooggan oo ku dhufatay wadanka Filibiin ayaa lagu soo waramayaa in ilaa iyo hadda ay dishay ugu yaraan 25 qof.
Duufaantan oo loo yaqaano Typhoon Mangkhut, ayaa si gaar ah u saameysay degaanada buuraleyda ah.
20 ka mid ah kiisaskaasi dhimasho waxaa laga soo tabiyay gobolka Cordillera ee jasiiradda Luzon halka 4 qof oo kalena ay ku dhinteen gobolka dariska la ah ee Nueva Vizcaya.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhimashada dadkaasi ay ka dhalatay dul go’o yimid kadib duufaanta ku dhufatay.
Sido kale sarkaal sare oo ka tirsan dowlada Filibiin oo lagu magacaabo Francis Tolentino ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay gobolka Ilocos Sur kadib markii uu soo dumay geed weyn oo halkaasi ku yaallo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *