Madaxweynaha dalka oo u hambalyeeyay orodyahan rikoor ka dhigay caalamka

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta hambalyo u diray Eliud Kipchoge oo ah orodyahan u dhashay wadanka kadib markii uu ku guuleystay orotan ka dhacay magaalada Berlin ee Jarmalka.
Mr.Kipchoge ayaa jebiyay rikoorkii caalamka uu u hayay Dennis Kimetto kadib markii uu tartanka ku soo baxay 2 saac, hal daqiiqo iyo 39 ilbiriqsi kadib.
Madaxweynaha dalka ayaa bartiisa rasmiga ah ee Twitarka ku soo qoray inuu u hambalyeeynayo Eliud Kipchoge iyo sido kale Gladys Cherono oo ku soo baxday orotanka haweenka.
Waxaa qoraalkaasi qeyb ka ah in labadaasi cayaaryahan ay yihiin halyeey , kenyaanka ay ku faaneyso.
Hoggaamiyaha mucaaradka Nasa Raila Odinga ayaa dhankiisa sheegay in Mr. Kipchoge laga doonayo inuu dhalinyarada u sii ahaado mid ay ku daydaan.
Baraha ay bulshada ku wada xiriirto gaar ahaan Twitarka ayay shacabka Kenyaanka ah u adeegsadeen inay ku boogaadiyaan Kipchoge.
Waxaa bartaasi qabsaday cinwaano loogu magacday orodyahaanada iyo sido kale #TeamKenya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *