Magaalada Paris ee Faransiiska oo baabuurta laga mamnuucay maalinkii

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in maanta aanan gawaari lagu arag caasimadaha Faransiiska iyo Belgium ee kala ah Paris iyo Brussels.
Arrintan ayaa timid kadib markii guddoomiyaasha magalooyinkaasi ay amar soo sareen.
Haweeneyda madaxa ka ah Paris ,Anne Hidalgo iyo dhigeeda Brussels, Philippe Close ayaa sheegay in loo baahanyahay sannad kasta hal maalin oo wadooyinka aysan baabuur marin.
Wadamada ka tirsan midowga Yurub ayay u soo jeediyeen in ay dhamaan amarkaasi dhaqangeliyaan.
Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ayay ku sheegeen in la doonayo in si durba ah wax looga qabto saameyta caafimaad ee ka dhalan karto wasaqeynta hawada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *