Mulkiilaha dhismaha Airgate oo cambaareeyay tallabadii shalay lagu dumiyay xaruntaasi

Ramesh Gorasia oo ah malikiilaha xarunta ganacsiga ee Airgate ee shalay dhulka lagu daray horayna lagu magacaabi jiray Tajj Mall ayaa falkaasi cambareeyay.
Waxaa uu waaxda dembi baarista ee dalka ugu baaqay inay baaritaano ku sameyso sarakiishii bixiyay ogolaanshaha lagu dhisay xaruntaasi.
Waxaa uu Mr. Gorasia, ku doodaya in sannadkii 1995-tii uu helay warqado rasmi ah oo loogu ogolaaday dhismahaasi.
Sido kale mulkiilaha Airgate ayaa carrabka ku dhuftay in tan iyo xiligaasi 7 mar uu cusboonaysiiyay dokumeentiyada muujinaya in dowladu ay fasaxday dhismaha goobtan ganacsi.
Warfidiyeenka ayuu u sheegay inay khalad tahay in la dumiyo xarun sida uu ku andacoonaya lagu dhisay qaab sharci ah in kastoo dowlada ay sheegtay in laga joojiyay goob aanan munaasab ah.
Afar toddobaad ka hor ayay ahayd markii Mr.Gorasia uu dowlada ku xujeeyay inay dhismahaasi dhulka la sinto hadii ay jirto sabab rasmi ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *