Qiyaastii 1,000 qof oo u dhashay Hungary oo dhigay dibadbax ka dhan ah ra’iisul wasaaraha wadankaasi

Wararka naga soo gaaraya dalka Hungary ayaa sheegay in dad ay tiradoodu gaareyso qiyaastii 1,000 qof ay maanta dhigeen mudaaharaad ay uga soo horjeedaan ra’iisul wasaare Viktor Orban.
Dibadbaxan ayaa la qabtay xili uu socday isku soo bax siyaasadeed oo ay soo qaban qaabiyeen qaar ka mid ah xisbiyada dalkaasi.
Isku soo baxa ayaa dowlada Hungary looga dalbanayay inay qadariso xuquuqda dimuqaradiga ah iyo mabaad’iida kale ee midowga Yurub.
Arbacadii la soo dhaafay ayuu baarlamaanka midowga Yurub u codeeyay in xayiraad la saaro Hungary maadama ay xuquuq ku xadgudubtay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *