shacabka ku nool deegaanada maamulka Galmudug oo ka hadlay khilaafka masuuliyinta maamulkaas.

Ayadoo khilaafka ka dhextaagan madaxda ugu saraysa maamulka Galmudug aan wali xal laga gaarin ayaa waxaa arintaasi ka hadlay sahcabka ku nool deegaanada maamulkaasi.
Shacabka ku nool magaalooyinka waa weyn ee Galmudug gaar ahan degmooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa khilaafka galmudug oo ay mooshinada isbada jooga ah ay ka dhasheen ku tilaamay dhibaato aan loo baahnayn oo amrin habaabinaysa howlaha maamulkaas loo igmaday.
Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka maamulka galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa golaha wasiirada maamulkaas isugu yeeray inya tagaan magaalada Cadaado si ay u yeeshaan kulan lagu sii anba qaadayo howlaha maamulka.
Warqada ka soo baxday xafiiska madaxweynhe ku xigeenka Galmuduga yaa lagu sheegay in wasiirkii ay soo xaadirin magaalada cadaado laga qaadayo talaabo sharciga waafaqsan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *