Wadamada Afghanistan, Pakistan iyo Shiinaha oo ku heshiiyay inay nabadda ka wada shaqeyaan

Dalalka Afghanistan iyo Pakistan ayaa ku heshiiyay inay ka wada shaqeynayaan nabadda iyagoo kaashanaya Shiinaha.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Afghanistan Sibghatullah Ahmadi, ayaa shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Kabul arrinkan ka sheegay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in hehsiiska dhanka nabadda ah la gaaray kadib booqasho wasiirka arrimaha dibadda ee Pakistan, Shah Maxmuud Qureshi iyo sarakiil sar sare ay halkaasi ku tageen.
In kastoo uusan shaaca ka qaadin taarikhda rasmiga ah ee laga arrinsanayo ka dhabeynta heshiiskaasi hadda waxaa uu qeexay inuu mar dhow qabsoomaya kulan loo wada dhanyahay.
Sido kale dhinacyada kala duwan ayaa shirka nabadeed fursad u siinaya inay ka qeyb qaataan hoggaamiyaasha ururka Taliban.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *