Warbixin lagu sheegay in ku dhawaad 6 milyan oo kenyaan ah aysan musqul isticmaalin

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay ku sheegtay in Kenya ay weli wadamada kale kaga dambeyso dhanka isticmaalka suulida.
Waxaa warbixinta qeyb ka ah in shacab ay tiradoodu gaareyso 5. 6 milyan oo kenyaan ah ay bannaanada ku xaaja gutaan.
Waxay tiradan u dhigantaa boqolkiba 12 ee dadweynaha ku nool guud ahaan dalka.
Khabiir dhanka nadaafadda u qaabilsan UNICEF oo lagu magacaabo Andrew Trevett ayaa sheegay inay walaac ka muujinayaan bannaanka oo lagu saxaroodo.
Waxaa uu intaasi ku daray in jeermiska keena cudurada shubanka, daacuunka iyo xanuunada kale qaabkan isaga ah uu ku faafo.
Mr. Trevett ayaa hoosta ka xariiqay in shubanka uu yahay cudurka labaad ee keena dhimashada ugu badan ee carruurta.
Waaxda qaran ee qaabilsan aruurinta iyo keydinta tirooyinka iyo macluumaadka ee KNBS ayaa sheegtay in boqolkiba 15 dadka ku nool tuulooyinka ay ku xaaja gutaan bannaanada marka loo barbardhigo magaalooyinka waweyn oo ay tiradaasi tahay boqolkiba 3.
Dowlada ayuu dhanka kale qarash badan uga baxaa maareynta degaanka iyo ilaalinta nadaafadda.
Sannadkii 2013-kii, warbixin la soo saaray ayaa lagu sheegay in Kenya sannad waliba dhaqaale gaaraya 27 bilyan ay u isticmaasho barnaamijyada biyaha iyo maareeynta nadaafadda.
Waxaa darasaadka warbixintan laga soo saaray lagu eegay 26 wadan oo Kenya ay ka mid tahay.
Tirada shacabka wadanka Ugandha ee aan musqulada isticmaalin ayaa lagu sheegay boqolkiba 11 halka Tanzania lagu sheegay boqolkiba 6.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *