Warmurtiyeed laga soo saaray shirka qaran ee wadatashiga ee dalka

Waxaa warmurtiyeed ka kooban qodobo dhowr ah ayaa laga soo saaray shirka qaran ee wadatashiga oo la qabtay intii u dhexeysay 11-kii ilaa iyo 13-kii bishan sagalaad.
Waxaa uu shirkan ka dhacay daarta Ufungamano House ee magaaladatani Nairobi.
Kulanka oo ah midkii ugu horeeyay ayaa waxaa ka qeyb galay ugu yaraan 600 oo ah wufuud isugu jirta madaxda diimaha, haween, dhalinyaro , ganacsatada, ururada rayidka iyo naafada.
Waxaa diiradda lagu saaray dhibaatooyinka siyaasadeed iyo maamul wanaagga ee ka jira dalka.
Sido kale waxaa shirkaasi laga sheegay in kulankii 9-kii bishii saddexaad ee sannadkan dhex maray madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha mucaaradka Nasa Raila Odinga uu dejiyay isqabqabsigii siyaasadeed ee xiligaasi uu wadanka wajahayay.
Qodobada shirkaasi ka soo baxay waxaa ka mid ah in la soo saaro istaraatiijiyad ku aaddan xal u helidda shaqa la’aanta dhalinyarada.
In dowlada ay sida ugu dhaqsiyaha badan joojiso lacagaha deymaha ah ee ay qaadato si loogu adeegsado mashaariicda dhanka kaabayaasha wadooyinka gaar ahaan ballarinta la qorsheeyay ee wadada weyn ee isku xirta magalooyinka Nairobi iyo Mombasa.
Qodobka saddexaad ayaa ah in baarlamaanka uu adeegsado awoodiisa dastuuriga ah si wasaaradda maaliyadda ay u diyaariso miisaaniyad isku dheeli tiran.
In la soo saaro qorshaha ugu weyn ee horumarinta dhaqaalaha dalka. In dowlada dhexe iyo ismaamulada ay sii xoojiyaan u adeegidda dadweynaha iyadoo xoogga la saarayo la tacaalidda cuno yarida iyo adeegyada caafimaadka.
Maamul goboleedyada inay dadweynaha ku nool fursad u siiyaan in la isla meel dhigo ayna ka qeyb qaataan barnaamijyada ku saabsan baahida ay bulshadu qabto iyo mashariicda la siinayo mudaanta koowaad.
In dowladu ay ku dhawaaqdo in Musuqmaasuqa uu yahay musiibo qaran.
In dib u habeyn lagu sameeyo guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC.
In baarlamaanka uu ansaxiyo sharci mamnuucaya in shaqaalaha dowlada , kuwa dadweynaha u adeego, madaxda siyaasadeed, xaasaskooda, caruurtooda iyo cid waliba oo wakiil ka ah uu ganacsi kala dhexeyo dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada.
Hay’adaha diimeed inaysan fursad u siinin dadka lala xiriiriyay musuqmaasuqa inay sadaqo bixiyaan.
In la guda galo isbedelo dhanka dastuuriga iyo shuruucda ah.
In baarlamaanka uu dhaqangeliyo sharciga dhigaya in wax ka badan saddex meelood laba meel aysan hal jinsiyad ah ka soo jeedi karin.
In ciidamada booliska si weyn oo tayeysan loo qalabeeyo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *