Xildhibaano dhuusamareeb ku sugan mooshin ka wada madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Xildhibaanada maamulka Galmudug ay maanta kulan ku yeelanayaan magaaladaasi Dhuusamareeb waxayna kaga doodayaan mooshin ay sheegeen inay ka gudbiyeen madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi
Xildhibaanada galmudug ayaa xalay lagu wargeliyay in maanta oo Axad ah uu jiro kulankooda, islamarkaana ajandihiisu uu yahay ka doodista mooshinka ka yaalla Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey.
xildhibaano gaaraya 97 ayaa shalay mooshin xilka qaadis ah u gudbiyeen guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee baarlamaanka galmudug Xareed Cali Xareed, waxayna ku doodayaan inuu shaqadiisa ka soo bixi waayay sidoo kalena uu ku tuntay dastuurka maamulkaasi.
Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka maamulka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa sheegay inay xildhibaanadaasi mooshinka ka qabteen sidoo kalena uu yahay mid sharciga ku qodoma.
Maamulka Galmudug ayaa wuxuu madaxa la galay jaahwareer dhanka siyaasada ah wuxuuna sababay in masuuliyiinta maamulkaasi ay labo dhinac u kala jabeen madaxweynaha Galmudug,madaxa xukuumada iyo qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb.
Xildhibaanada Dhuusamareeb jooga ayaana maalintii khamiista waxay sheegeen inay xilka qaadis ku sameeyeen gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayagoo ku eedeeyay howl gudasho la’aan,gudoomiyaha xilka laga qaaday oo garay magaalada Cadaado ayaa sheegay inaysan sharci ahayn xilka qaadistaas kulan kale oo ay isugu yimaadeen xildhibaanada cadaado ku sugan oo uu shalay shir gudoomiyay Cali Gacal Casir ayuuna kaga dhawaqaay in 47 xildhibaan ay kalsoonidii kala noqdeen madaxweyne Xafaad,xildhibaanada Dhuusamareeb ku sugan wayaana marka kale maanta sheegay inay mooshin ka wadaan maxamed Xaashi Carabeey madaxweyne ku xigeenka Galmudug.
Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed ayaa ku baaqayb in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto khilaafka maamulkaasi oo sababi kara inuu burburo.
Mr Guulleed wuxuu sheegay in dhismaha maamulada dhibaatooyin badan laga soo maray galmudugna ay ka mid tahay maamuladii ugu adkaa ee la soo dhisay,wuxuuna madaxweynaha Soomaaliya,Ra’isulwasaaraha,gudoonka labada gole ee baarlamaanka iyo dhamaan masuuliyiinta dowlada dhexe u soo jeediyay inay u istaagaan xalinta khilaafka Galmudug oo hada maraya meel aan wanaagsanayn.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *