Caasimadda dalka ee Nairobi oo lagu sheegay magaalada ugu dhaqaalaha badan bariga Afrika

Warbixin cusub oo la soo saaray ayaa lagu sheegay in magaala madaxda dalka ee Nairobi ay tahay caasimadda ugu hodonsan ee wadamada bariga Afrika.
Hasa ahaate waxay nambarka lixaad kaga jirtaa qaaradda Afrika marka laga soo tago magaalooyinka Durban, Cape Town, Qaahira , Lagos iyo Johannesburg.
Darasaadkan ayaa waxaa sameeyay bangi ku yaalo dalka Mauritius iyo hay’adda New World Wealth .
Hantida sida gaarka ah loo leeyahay ee Nairobi ayaa gaaraysa 5.4 tiriliyuun oo shilin.
Kobaca dhaqaale ee caasimadda dalka waxaa kaalin muhiim ah ka qaata adeegyada dhanka maaliyadda ah , dalxiiska, badeecooyinka sida tafariiqda ah lagu iibiyo , isgaarsiinta, guriyaha la kala iibsado iyo dhismaha.
Magaalada Nairobi ayaa soo jiidato maalgashatada waweyn iyo ganacsatada yaryar labaduba halka Mombasa lagu amaanay soo dhaweynta dalxiisayaasha.
Hantida sida gaarka ah loo leeyahay ee magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania ayaa ah 2.5 tiriliyuun , waxaa soo raacda Kampala ee wadanka Ugandha waxaa uuna dhaqaalahaasi yahay 1.6 tiriliyuun .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *