DHAGEYSO Guddoomiyaha waaxda qaran ee adeega booliska oo ka hadlay isbedelada cusub

Guddoomiyaha guddiga qaran ee adeega booliska ee dalka Mr. Johnston Kavuludi ayaa ka hadlay isbedelada maalmo ka hor madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu ku sameeyay ciidamada amaanka.
Isbedeladan waxaa ka mid ah in la isku daray qaar ka mid ah sarakiisha booliska ee maamulka qaabilsan ee loo yaqaano AP-da iyo booliska caadiga ah.
Waxaa sido kale loo bedelay dareeska shaqo ee ay ku labistaan.
Sido kale sarakiisha amaanka oo horay guriyo ku lahaa xerooyinka ama saldhigyada ay ka shaqeyaan ayaa la siinaya lacago gunnooyin ah oo u suurtagelin karo inay dhex degaan dadweynaha.
Mr. Kavuludi oo lagu wado inuu tobanka maalmood ee nagu soo aaddan howlgab noqdo oo isbedeladan faahfaahinaya ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa

Sido kale agaasimaha guud ee hay’adda u ololeysa xuquuqul aadanaha ee Haki Africa, Xussein Khalid ayaa dareenkiisa ku biiriyay isbedelada uu Mr. Kenyatta ku dhawaaqay

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *