Dhaqaatiirta Suuriya oo dhigay dibadbax ay uga soo horjeedaan howlgalada Idlib

Howlwadeenada caafimaadka ee ku sugan gobolka Idlib ee wadanka Suuriya ayaa sameeyay mudaaharaad ay ku muujinayaan sida ay uga xunyihiin howlgalada ciidamada dowlada ay ka wadaan gobolkaasi.
Waxaa halkaasi weeraro ka geysanaya sarakiisha amaanka ee maamulka madaxweyne Bashar al-Assad iyo tageerayaashiisa.
Howlgaladan oo la sheegayo in lagu bartilmaameedsanaya kooxaha dowlada Suuriya ka soo horjeeda ayaa saameyn ku yeeshay isbitaalada iyo xarumaha caafimaadka.
In ka badan 500 oo isugu jiro dhaqatiir, kalkaaliyayaal iyo wadayaasha baabuurta gurmadka ee loo yaqaano Ambulance ayaa dibadbax ka dhigay afaafka hore ee isbitaalka ATME ee Idlib.
Waxay ku dhawaqayeen ereyo ah inaysan argagixiso ahayn oo ay yihiijn howlwadeena caafimaad oo argagixisada ay dilaan dhaqatiirta sido kalena isbitaalada bartilmaameedsadaan.
Maamulaha isbitaalka ATME ee gobolka Idlib ,Muxib Kaddur ayaa sheegay inay halkaasi u joogaan si ay u badbaadiyaan noolosha shacabka ay dhibaatooyinka soo gaaran.
Dhaqtar kale oo lagu magacaabo Ibrahim Tilas ayaa isna ku baaqa in si degdeg ah loo soo afjaro weerarada ay fulinayaan maamulka Bashar Al-Assad iyo xulafadiisa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *