Dibadbaxyo ka dhacay Adis Ababa ee wadanka Itoobiya

Dibadbaxyo rabshado watay ayaa maanta ka dhacay deeganno ka tirsan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiyakuwaaso ay wadeen dhalinyaro caraysan.

Wararka waxay sidoo kale ay sheegayaan in la bililiqaystay labada suuq ee ugu wayn magaalada Addis Ababa ee kala ah Biyaasa iyo Marakaato.

Taliyaha guud ee booliska Itoobiya Zeyinu Jamal ayaa sheegay in xabsiga la dhigay dad ka badan 300 qof oo lala xiriirinaya rabshadaha ka dhacay degmada Buraya oo ay dad badan ku dhinteen.

Wuxuu sheegay in dadka qaar ee dibadbaxyada waday ay isku dayayeen in qoryaha ka qaataan laamaha ammaanka ee xaaladda dejinayay.

Ugu yaraan 23 qof ayaa ku dhimatay ammni darrada ka taagaan degmada Buraya oo ku taalla waqooy galbeed magalaada Addis Ababa.

 

 

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *