Dowlada Filibiin oo mamnuucday qodidda macdanta

Wasiirka wasaaradda arrimaha degaanka ee dalka Filibiin ayaa maanta soo saaray amar si ku meel gaar ah loogu joojinayo qodidda macdanta.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in dadka arrimahaasi ka shaqeeya ee aanan adeegsan qalab tayo leh looga baahanyahay inay soo afjaraan gaar ahaan gobolka buuraleyda ah ee ay saameysay duufaanta xooggan.
Duufaanta loo yaqaano Mangkhut ee saameysay Filibiin ayaa waxaa ka dhashay dhul go’o keenay dhimasho, dhaawac iyo burbur kale.
Roy Cimatu ayaa macdan qodidda laga sameeyo gobolka Cordillera Region ku sheegay mid amarka uu soo saaray kadib noqonayso mid sharci darro ah.
Ilaa iyo hadda ugu yaraan 54 qof ayaa duufaantan ugu dhimatay Filibiin iyadoo sido kale digniin la xiriirta laga soo saaray koonfurta shiinaha.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *