Isbitaalka Pumwani oo laga helay meydadka 12 dhallaan ah

Waxaa maanta isbitaalka ay hooyooyinka ku umulaan ee Pumwani ee magaaladatani Nairobi laga helay meydadka 12 dhallaan ah.
Guddoomiyaha caasimadda dalka ,Mike Sonko ayaa maanta halkaasi ku tagay socdaal lama filaan ah.
Mike Sonko, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay inuu isbitaalka gaaray kadib markii cabasho ay uga timid dadweynaha taasi oo ah in maamulka xaruntaasi caafimaad uu demiyay mashiinadii yaalay qeybta dhalmada , tallabadaasi oo sababtay in caruurta meydadkooda la helay ay dhintaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Mike Sonko uu isbitaalka ku tagay dhugdhugley.
Hasa ahaate waxaa uu ka carooday in mid ka mid ah shaqaalaha isbitaalka uu isku dayay inuu khiyaano isagoo barasaabka u sheegay in 24-kii saacadood ee la soo dhaafay hal canug keliya uu goobta ku dhintay .
Mike Sonko ayaa canaantay mas’uulkaasi kadib markii uu arkay meel la geliyay meydadka 6 dhallaan ah halka meel kalena ay ku jireen 5 kale.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in cid waliba oo dhacdadaasi mas’uuliyadeeda leh lala xisaabtamayo.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay inaan marnaba la ogolaan doonin in hooyooyinka iyo gabdhaha halkaasi u raadsada adeegyada ay dhibaatooyin loo fiirsan la kulmaan.
Hooyooyin halkaasi lagu daweeyay oo lacago laga qaaday ayuu u celiyay lacagtii ay bixiyeen isagoo sheegay inay khalad tahay in qofka bukaanka ah uu bixiyo qarash ay dowladu dusha saaratay.
Sido kale Mike Sonko ayaa kala diray maamulka sare ee isbitaalka iyadoo sarakiisha ay tallabadan saameysay ay kala yihiin madaxii isbitaalka, Catherine Mutinda, sarakiil maamulka qaabilsan sida Zadock Angahya iyo George Nyadimo iyo Dr James Kamau oo ku takhasusay xanuunada dumarka.
Bayaan ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee guddoomiyaha Nairobi ayaa lagu sheegay in meydadka carruurta ee la arkay lagu wargeliyay booliska ka howlgalo saldhiga Pangani.
Booliska ayaa guda galay baaritaano lagu xaqiijinaya sababta keentay inay dhallaanka halkaasi ku geeriyoodaan.
Dhanka kale kalkaaliyayaasha ka howlgalo isbitaalka Pumwani ayaa Mr. Sonko u sheegay inaysan haysan qalab ku filan oo ay ku shaqeyaan iyo sariiraha bukaanka oo yar.
Sido kale cabashooyinka kalkaaliyayaasha waxaa ka mid ah inay tiradoodu yartahay sidaasi awgeedna ay ismaamulka Nairobi ka codsanayaan inuu shaqaleysiiyo ugu yaraan 50 howlwadeena caafimaad ah maadaama isbitaalkaasi ay hadda ka shaqeyaan 162 kalkaaliyayaal ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *