Maxkamada ICC-da oo ganaaxday madaxweyne ku xigeenkii hore ee Congo

Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada aduunka ayaa ku ganaaxday  lacag dhan 350,000 oo doolar madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo Jean-Pierre Bemba oo la sheegay inuu laaluush siiyay marqaatiyaashii maxkamadda.

Waxaa sidoo kale lagu xukumay 12 bilood oo xarig ah balse waxaa la sheegay in uusan xabsi ku qaadan doonin xukunkaasi maadama uu horraan xabsi kusoo qaatay maxkamadda ICC.

Maxkamadda ICC ayaa saddex bilood ka hor dib u eegis ku samaysay dambiyadii dagaal ee loo haystay kaddib markii muddo tobban sanno ah uu xabsi ku jiray.

Jean Bemba waxaa lagu helay falal musuq maasuq ah.

Bemba wuxuu doonayay inuu tartamo doorashada madaxtinimo ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ka dhaceysa Disembar balse guddiga doorashada ayaa ka hor istaagay inuu ka qayb galo sababo la xiriira xukunkii lagu riday.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *