Ururka KNUT iyo guddiga TSC oo kulan yeelanaya

Ururka qaran ee ay ku mideysanyihiin macalimiinta dalka ee KNUT ayaa lagu wadaa in laga bilaabo 30-ka bishan sagalaad uu kulan la qaato guddiga adeega barayaasha ee TSC.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo ururka KNUT uu hakad geliyay shaqa joojin uu horay u qorsheeyay in xubnaha ka tirsan ay ku dhaqaqaan 1-dii bishan aan ku guda jirno.
Xoghayaha guud ee dalladan qaran ee barayaasha ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku galay Mr. Wilson Sossion ayaa sheegay inay weli guddiga TSC fursad u siinayaan inuu xalliyo arrimo dhowr ah oo ay tabanayaan.
Jacinta Ndegwa oo ka mid ah mas’uuliyiinta haweenka macalimiinta ah ayaa sheegtay inay rajeynayaan in qodobo muhiim ah ay ka soo baxaan shirka la filayo inuu qabsoomo dhamaadka bishan.
Kulankaasi ayaa diiradda lagu saari doonaan tallabada muranka dhalisay ee TSC ay macalimiinta ugu wareejineyso xarumo kale oo ay ka howlgalayaan, dallacsiinta, qiimeynta ku saleysan waxqabadka macalinka iyo arrimo kale.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *