Diyaarad uu leeyahay militariga Ruushka oo la waayay

Wasaaradda gaashan dhigga ee Ruushka ayaa sheegeysa in weli la la’yahay diyaarad ay leeyihiin ciidamada militariga oo ay saarnayeen 14 qof.
Waxaa loo maleynaya in diyaradaasi ay ku dhacday badda Mediterranean-ka maadaama la waayay xili ay halkaasi mareysay.
Waxaa jiro warar sheegaya in ciidamada Israa’iil ay si aanan ula kac ahayn u soo rideen diyaaradda Il-20 hasa ahaate weli si madax bannaan looma xaqiijin.
Warbahinta Ruushka ee RT ayaa ku warameysa in la guda galay baadigoobka loogu jiro diyaaradaasi.
Mas’uul ka tirsan dowlada Mareykanka ayaa sheegay in xukuumada Washington ay rumeysan tahay in diyaaraddaasi ay soo rideen ciidamada Suuriya oo ka jawaabaya duqeymaha diyaaradaha Israa’iil.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *