Guddiga xisabaadka ee baarlamaanka oo u yeeray xoghayaha wasaaradda waxbarashada

Guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan xisabaadka ee PAC ayaa u yeeray xoghayaha wasaaradda tacliinta Dr. Belio Kipsang iyo madaxii hore ee shaqaalaha dowlada , Francis Muthaura.
Labadan mas’uul ayaa looga fadhiyaa inay faahfaahin ka bixiyaan deeq waxbarasho oo ay dowlada siisay arday jaamcadaha dibadda fursado ka helay.
Sarakiishan iyo xoghayihii hore ee waaxda tacliinta sare ee jaamacadaha Chrispus Kiamba ayaa loo haystaa inay bixiyeen deeq waxbarasho oo nin jecleysi iyo eexasho ku dheehan.
Guddiga xisabaadka ayaa su’aal geliyay sida deeqdaasi lagu siiyay Ian Githinji and Sandra Githinji oo ah carrruurta Mr Philip Githinji oo ka mid ah shaqaalaha dowlada.
Ardaydan ayaa ku biiray jaamacadda Royal Melbourne ee dalka Australia.
Guddoomiyaha guddiga PAC ahna xildhibaanka degaanka Ugunja Opiyo Wandayi ayaa arrinkaasi walaac ka muujiyay.
Waxa uu hoosta ka xariiqay inay nasiib darro tahay in dhalinyaro badan oo u baahan deeqahaasi aanan fursad loo siinin.
Toddobaadka soo socdo ayay mas’uuliyiinta ka soo hormuuqanayaan guddiga xisabaadka ee baarlamaanka halkaasi oo sido kale maareynta qarashadka wasaaradda waxbarashada ay faahfaahin uga bixin doonto Colette Suda oo ah xoghayaha dhanka cilmi baarista.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *