HORDHAC: kooxaha Barcelona iyo PSV Eindhoven ee caawa

Barcelona ayaa caawa garoonkeda Nou Camp ku qaabili doontaa dheesha kowaad ee koobka Champions League kooxda PSV Eindhoven ee wadanka Netherlands.
Kooxda Catalans ayaa ku adkaatay inay dhaafto wareegaa siddeedaad ee Champions League seddaxdii sano ee lasoo dhaafay xili sanadkii hore ay guuldarro amakaaka ay kala kulantay kooxda AS Roma.
Ogeysiiska Cayaarta
Tartanka : Champions League
Waqtiga : 07:55 pm ( SGA )
Garsooraha : Anastasios Sidiropoulos ( Greek )
Garoonka: Camp Nou
tababaraha Barcelona Valverde ayaa kulankii ay sabtidii guusha soo laabashada ah ka gaareen Real Sociedad ka tagay Sergio Busquets iyo Philippe Coutinho, hasa ahatee caawa waxaa la filayaa inay ku soo kusoo bilaawdaan.
Nelson Semedo ayay ayay u badantahay in laga saaro kooxda kowaad waxaana dambeedka midg kusoo bilaabanaya Sergi Roberto, halka weerarka ay iska kaashan doonaan Lionel Messi, Luis Suarez iyo Ousmane Dembele oo gool dhalinayay seddaxdii kulan ee ugu dambeysay.
Waa markii todobaad oo ay labadan kooxood ku kulmaan tartamada yurub waa Barcelona iyo Psv.
Labadan kooxood ayaa markii ugu dambeysay oo ay ku kulmaan heer group-ka ee koobka Champions League waxay aheyd 1997-98dii, iyadoo labada dheelba ay ku dhamaadeen barbaro.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *