HORDHAC: kooxaha Liverpool iyo Paris Saint Germain

Kooxda Liverpool ayaa soo dhaweyn doonta naadiga Paris St-Germain kulamada furitaanka heer groupka ee Uefa Champions League.
Liverpool ayaa kaalinta labaad ku dhameysatay xagaagii hore waxaana ka adkaatay kooxda Real Madrid oo ay isugu soo hareen Finalkii tartanka.
PSG ayaa iyaduna ku hartay wareega 16-ka waxaa iyadana ka badisay naadiga koobka xafidaneysa ee Real Madrid.
Ogeysiiska Cayaarta
Tartanka: Champions League
Waqtiga: 10:00 pm ( SGA )
Garsooraha: Cuneyt Cakir ( Turkey )
Garoonka: Anfield
Wararka Labada Koox
Macalinka Liverpool Jurgen Klopp ayaa rajo buuxda ka qaba inuu taam noqdo weeraryahanka Roberto Firmino kulanka ay wajahayaan koobka Champions League kooxda Paris St-Germain.
laacibka reer Brazil ayaa waxaa soo gaaray dhaawac ishaa cayaartii guusha ay ka gaareen Tottenham maalinkii Sabtida laakiin baarinaato looga qaaday Istibaalka ayaa muujiyay in uusan dareen dhaawiciisa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *