In ka badan 20 guri oo uu xalay dab ku burburiyay degaanka Langata

Dab xalay ka kacay xaafadda Kijiji ee degaanka Langata ee ismaamulka Nairobi ayaa burburiyay ugu yaraan 25 guri.
Dabkan ayay wararku sheegayaan inuu bilowday 9-kii iyo barka fiidnimo waxayna dhacdadaasi qoysas badan ku qasabtay inay bannaanka hooy ka dhigtaan.
Taliyaha booliska ee Langata, Gregory Mutiso ayaa sheegay in hanti badan ay ku burburtay in kastoo weli qiimaheedu aanan la cayimin.
Waxaa uu intaasi ku daray inaan la ogeyn sababta rasmiga ah ee dabkaasi keentay in kastoo baaritaano la guda galay.
Hasa ahaate lama soo tabin cid ku dhimatay ama uu dhaawac ka soo gaaray.
Sannadkan gudihiisa ayay ugu yaraan 8 qof ku dhinteen xili uu isla xaafaddaasi dab qabsaday.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Mr. William Ruto ayaa markii dambe sheegay in dowlada dhexe ay 70 milyan oo shilin ku bixin doonto in dib u dejin loo sameeyo qoysaskii ay dhibaatadu soo gaartay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *