Madaxda maamulada Soomaaliya oo markale war-murtiyeed Soo saaray.

Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda Soomaaliya ayaa war ay soo saareen waxay markale eedeyn u jeediyay dowladda dhexe waxayna ku dhaliileen arimaha ka socda maamulka Galmudug.
Warka kasoo baxay maamul goboleedyadda Soomaaliya oo ka koobnaa ilaa todobo qodob ayaa ugu horayn lagu Cambaaraynayaa afduubka ay Al-shabaab ugu geysteen deegaanada maamulka Galmudug odayaasha dhaqanka qaar ka mid ah waxayna ku baaqeen in laga shaqeeyo sidii loo soo dayn lahaa odayaashaasi.
Waxay sidoo kale bogaadinayaa meel-marinta heshiiskii ay wada gaareen Galmudug iyo Ahlusunna,waxayna walaac ka muujiyeen xiisadda siyaasadeed ee Galmudug hada aka jirta
Warkaan ka soo baxay madaxda maamulada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in si degdeg loo joojiyo waxa ay ugu yeereen faraggelinta ay laamaha Dawladda Federaalka ku hayaan maamulka Galmudug, wixii khilaafaad ah ee jirana loo xalliyo qaab dastuur iyo xaajaysi ku dhisan.
Waxay sidoo kale Tilmaameen inay diyaar u yihiin sidii ay gacan uga geysan lahaayeen xallinta khilaafka Galmudug ayagoo kaashanaya cidwalba oo sahama ka shaqaynaysa.
Ugu dambayn, Goluhu wuxuu culimada, aqoonyahanad, waxgaradka dhaqanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ugu baaqeen inay si wanaagsan ula socdaan jahada uu dalku ku socdo.
Dhank kale xildhibaano katirsan maamulka Galmudug oo maanta ku shiray magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inay cod u qaadeen mooshin ka dhan ahaa madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey.
Sida la sheegay Xildhibaano gaaraya 97 ayaa maalin kahor waxaay mooshin ka dhan ah madaxweyne Ku xigeenka u gudbiyeen ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug oo xildhibaano ku shiray maalmo ka hor magaalada Cadaado ay isna sheegeen inay xilka ka qaadeen.
Xildhibaanada Galmudug ayaa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ku eedeeyay inuu ku xadgudbay dastuurka maamulkaasi u yaala,waxay sheegeen in 140 xildhibeen oo maanta ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inay xilka ka qaadeen madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug.
Xareed Cali Xareed ku xigeenka koobaad ee baarlamaanka Galmudug oo kulanka maanta shir guddoominayay ayaa sheegay in kulanka ay soo xaadireen ilaa 140 mudane ayna u codeeyeen xilka qaadista Madaxweyne ku xigeenka Galmudug islamarkaana aanay jirin cid ka aamustay.
maamulka Galmudug ayaa galay jaahwareer dhanka siyaasada ah kadib markii ay laba u kala qeybsameen madaxda maamulkaasi, wasaaradda arrimaha gudaha dowlada Soomaaliya ayaa shalay ku baaqday in arrintan si qoto dheer looga wada hadlo xalna laga gaaro.
Xildhibaanada galmudug oo ku kala sugan magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa hada xilalkoodii ka wada qaaday dhammaan Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug sidda Madaxweynaha, ku xigeenkiisa, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa Koowaad.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *